Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Oo Ka Qayb Galay Xidhitaanka Shirka Horumarinta Waxbarashada Puntland.

Subaxnimadii isniinta eek u beegnayd 10kii bisha 7aad 2017, maamulaha guud ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Bosaaso Ustaad C/Raxmaan Siciid Muuse wuxu ka qayb galay xidhitaan shirkii horumarinta waxbarashada puntland lagag hadlayey kaaso ka dhacay hoolka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee magaalada garowe.

Waxa shirkan hogaaminayey wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada puntland Dr Maxamed Cali Faarax, waxana sidokale goobjoog ka ahaa agisamaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawlada federaalka ah Mudane Maxamed C/Qaadir Nuur iyo agaasimaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee puntland ee Mudane Maxamed C/Qaadir Cismaan iyo masuuliyiin kale oo katirsan waxbarashada puntland.

Ugu danbayntii shirka waxa laga soo saaray qodobo muhiim ah taaso lagu horumarinayo waxbarashada puntland.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Bosaaso

Related Posts

Leave a comment