Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee puntland ayaa qabatay maanta oo Sabti ah 05/8/2017 munaasabad balaaran oo ay ka soo qayb galeen dhamaan masuuliyiinta Wasaarada Waxbarahsada iyo Tacliinta sare oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaarada Waxbarahsada puntland Prof, Abshir Yuusuf Aw-ciise, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dr, Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Waaxda imtixamaadka ee Wasaarada Axmed Maxamud Warasame iyo dhamaan Bahada Waxbarashada puntland.
Ujeedada Munasabadan ayaa ahayd in la shaaciyo mtixaankii Fasalka 8aad Dugsiyadda Dhaxe ee Puntland imtixaankaas oo ay ardaydu galeen bishii MAY ee sanadkan 2017, taaso ay wasaaradu ka sheekaysay marxaladihii kala duwanaa ee soo maray imtixaankan iyo sidokale tobankii arday ee ugu saraysay 8800 arday ee sanadka u fadhiistay imtixanaadka shahaadiga ah ee puntland.
ugu danbayntii Maamulka guud ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso waxa uu u hanbalyeynayaan dhamaan ardayda puntland ee ku baastay imtixanaadka sanadkan gaar ahaan ardayda Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso guushii taariikhiga ahayd ee ay kasoo hoyeen imtixaanka sanadkan.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso