Munasabad aad u wayn oo soo agaasintay Wasaaradda Waxbarsahada iyo Tacliinta sare, Punt land Foundation iyo shrkada Samatel ayaa saaka subax nimadii ka dhacaday hoolka PDRC.
Waxaa xaflada ka soo qeyb galay Madaxa wayne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay iyo Wasiirka Wasaaaradda Waxbarsahada iyo wasiir kuxigeenka, dhamaan shaqaalaha wasaarada waxbarashada, dadweyne isugu jira aqoonyahanno,Maamulada Dugsiyada sare arday, waalidiin, iyo masuuliyiin xafisyada dowlada ka socday, iyo Marti sharaf kale. Mudadii ay xafladu socotay waxaa laga hadlay ahmiyada waxbarashada iyo sida ay uga qeyb qaadato dhismaha nolosha aadanaha iyo fahanka hanaanka dunidu u shaqeyso waxa sido kale aad loo aamanay 10 dugsi iyo 10kii arday ee ugu sareyey puntland.
Ugu danbayntii waxa abaalmarin lagudoonsiyey 10kii dugsi ee ugu sareyey puntland, waxana la gudoonsiyey maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Bosaaso C/Raxmaan Siciid Muuse shahaado sharaf uu mutaystay dugsigu madaama uu galay kaalinta afraad ee dugsiyada puntland.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.