Waxaa Saaka Oo Isniin Ah Kuna Beegan 4/9/2017 Dib Loo Furay Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Bosaaso Kadib Markii U Dhamaaday Fasixii Xiliga Xagaaga, Waxana Isla Saaka Toos U Bilowday Casharadii Sanad Dugsiyeedka Cusub 2017/2018 Iyada Oo Dhamaan Faracyada Dugsigu Uu Ku Leyahay Magaalada Boosaaso Ay Ardaydu U Fadhiisatay Xisadahoodii Caadiga Ahaa Ee Loo Qorsheyey Sanad Dugsiyeedkan Cusub.
Sido Kale Waxaa Saaka Toos Loo Bilaabay Diiwaan Galinta Ardayda Cusub Ee Go’aan Satay Inay Sanadkan Kusoo Biiraan Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.
Ugu Danbayntii Maamulka Guud Ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Oo Ugu Horeeyo Maamule C/raxmaan Siciid Muuse, Waxa Uu Ugu Hanbalyey nayaa Dhamaan Ardayda Sanad Dugsiyeedkan Cusub Isago Kula Dar Daarmaya Inay Hore Ka Bilaabaan Dadaalkii Lowga Bartay.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Bosaaso.