Barnaamijkii Wacyi Galinta Sanad Waxbarasheedka Cusub Oo Maanta Lasoo Gaba Gabeyey.

Waxa Saaka Oo Khamiis Ah Kuna Beegnayd 28kii Bisha 9aad 2017 Lasoo Gaba Gabeyey Barnamijkii Wacyi Galinta Ardayda Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Sanad Waxbarasheedkan Cusub 2017/2018.

Barnamijkan Oo Soo Bilowday Bishan Bilowgeeda Oo Ku Beegnayd Markii Lafuray Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Ayaa Subax Walba Laga Wacyi Galin Jiray ardayda, Wacyi Galintaas Oo Ay Soo Jeedin Jireen Xubno Katirsan Maamulka Iyo Macalimiinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Barnamijka Oo Uu Xariga Kajaray Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/Raxmaan Siciid Muuse Ayaa Ujeed Kiisu Ahaa Sidii Loo Diyaarin Lahaa Arday Fikrad, Dhaqan Iyo Ruux Ahaan Xaqiijin Kara Wixii Loo Tababari Lahaa Sanad Waxbarasheedkan Cusub, Kana Qayb Qaadan Kara Horumarka Bulshadiisa Sharafta Leh.

Barnamijkan Oo Ahaa Barnaamij Aad U Mug Wayn Kana Qabsoomay Faracyada Dugsiga Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Ayaa Wax Kamid Ahaa Qodobadii Lagaga Hadlay:
1- Dhaqan Galinta Xeer Hosaadka Dugsiga, Iyo Qeexida Xuquuqda Iyo Waajibaadka Ardayga Dhigta Dugsiga.
2- Dhaqanka Wanaagsan Ee Lowga Baahanyahay Ardayga.
3- Ku Dadaalka Cibadaadka Markasta Iyo Meel Kasta Uu Ardaygu Joogo.
4- Wadaniyada.
5- Ka Hortaga Dhaqamada Xun Xun Sida Maan Dooriyaha.
6- Dhabaatooyinka Laga Dhaxlo Tahriibka.
7- Samaysashada Saxiib Wanaagsan Kuna Horseedi Kara Horumar.
8- Waxbarashada Iyo Faa”Idoyinkeeda.
9- Maxaan Ka Baran Karnaa Bilashada Sanadka Cusub Ee Hijriyada.
10- Akhrinta Quranka Kariimka Ah.
11- Soonka Maalinta Cashuura.
Iyo Qodobo Kalo Muhiim U Ah Horumarka Ardayga.

Ugu Danbayntii Waxa Manta Soo Xiray Barnaamijkan Wacyigalinta Ah Ee Mudada Dheer Soconayey Ustaad Maxamed Muumin Yuusuf Oo Ka Tirsan Xafiiska Waxbarashada Ee Jamciyada Tadaamun.



Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment