Kulan Wada Tashi Ah Oo Loo Qabtay Ardayda Fasalka 4aad Ee Dugsiga Sare.

Kulan Kan Wada Tashiga Ah Oo Subaxnimadii Shalay Oo Khamiis Ah Kuna Beegnayd 28 Bisha 9aad Lagu Qabtay Masaajidka Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Waxa Kasoo Qayb Galay :
i. Maamule Kuxigeenka Guud Ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad Cumar Cali Saleebaan.
ii. Masuulka Guud Ee Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad Maxamuud Siciid Faarax.
iii. Maxamed Siciid Cabdale, Masuulka Arimaha Ardayda Dugsiga Sare.
iv. Macalimiinta Wax Ka Dhigata Fasalka 4aad Ee Dugsiga Sare.
v. Dhamaan Ardayda Fasalka 4aad Ee Dugsiga Sare Oo Tiradoodu Gaadhayso 191 Arday.
Kulan Kan Oo U Jeedkiisu Ahaa Sidii Ardayda Logala Hadli Lahaa :
1. Jadwalka Galabtii Loo Dajiyey Ee Ay Ku Dhiganayaan Xisadaha Kabista Ah, Kaaso Ka Kooban Afar Maalmood Oo Kala Ah “ Sabti, Axad, Isniin Iyo Talaada “
2. Ka Taxadarka Wax Kasta Oo Ku Keeni Kara Inay Ka Mashquulaan Xiisadahooda Labada Galin.
3. U Qaybinta Bug Dheeri Ah Oo Way Wax Ka Akhristaan.
4. U Qaybinta Kooxo Si Ay U Kala Faa’idaystaan Ardaydu.
5. U Diyaar Garowga Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Ay Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Puntland Ka Qaadi Doonto.
6. Qaabka Ugu Wanaagsan Ay U Qorshaysan Karaan Jadwal Maalmeedkood Si Ay Wakhtiga Uga Faa’idaystaan.
7. Sida Ugu Fudud Oo Ay Wax U Akhrisan Karaan.
8. Iyo Shaacinta Jadwal Imtixaaneedka Asbuuc Laha Ah Ee Ardayda Laga Qaadayo Insha A’alaah, Kaaso Lagu Qiimaynayo Ardaygu Wixii Uu Soo Bartay Mudadii Uu Dugsiga Dhiganayey.

Kulankan Oo Ardaydu Ka Faa’idaysteen Dhamaan Qorshayaashii Iyo Talooyinkii Ay Maamulka Iyo Macalimiintu Wadeen Ayaa Kusoo Dhamaaday Si Guul Ah.


Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment