Daah Furka Barnaamijka Nashaadka Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Waxa Saaka Si Toos Ah Loo Shaaciyey Barnaamijkii Nashaadka Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Barnaamijkan Oo Uu Shaaciyey Saaka Masuulka Guud Ee Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad Maxamuud Siciid Faarax Ayaa Ah Barnaamij Sanad Walba Uu U Qabto Dugsigu Ardaydiisa, Waxana Uu Ka Koobanyahay Ilaa Toban Barnaamij Oo Kala Ah :
1. Tartan Idaacadeedka.
2. Tartan Aqooneedka.
3. Tartanka Kubada Cagta.
4. Tartanka Qur’aanka Kariimka Ah.
5. Ceel-Jaale “ Mukhayam “.
6. Muxadiroyinka Bilaha Ah.
7. Tartanka Xadiiska .
8. Wacyigalinta Asbuuclaha Ah.
9. Majalada Ibdaac.
10. Boqashooyinka.

Dhamaan Barnaamijyadan Kala Duwan Ee Dugsigu Qabto Waxa Ay Leyihiin Gudiyo Kala Duwan Oo U Xilsaaran Qiimaynta Iyo Hagida Barnaamijkaas.

Ugu Danbayntii Waxay Ay Maamulka Guud Ee Nashaadka Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Dhajiyeen Isku Aadka Barnaamijka Idaacada, Tartan Aqooneedka Iyo Kubada Cagta Ee Xarunta Dugsiga Sare Ee Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Warqadan Waxa Ku Xusan Gudiga Barnaamijka Nashaadka Ee Xarunta Dugsiga Sare.

Warqadana Waxa Ku Xusan Jadwalka Idacada Ee Xarunta Dugsiga Sare.

Warqadana Waxa Ku Xusan Jadwalka Tartan Aqooneedka Ee Xarunta Dugsiga Sare.

Warqadana Waxa Ku Xusan Jadwalka Kubada Cagta Ee Xarunta Dugsiga Sare.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts