Maamulka Dallada Waxbarashada Ahliga Ah PEN Oo Booqasho Ku Yimi Dugsiga Sare Ee Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Gudoomiyaha Dallada Waxbarashada Ahliga Ah PEN Mudane Ibraahim Aadan Jaamac Ayaa Saaka Booqasho Ku Yimi Dugsiga Sare Ee Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso
Waxana Kusoo Dhaweeyey Dugsiga Maamulaha Dugsiga Sare Ee Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/Risaaq Maxamed Maxamuud, Xubno Katirsan Maamulka Guud Ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Iyo Qayb Kamid Ah Macalimiinta Dugsiga Sare Wax Kadhiga.

Boqashadan Oo Ah Tii Ugu Horaysay Ee Gudomiyaha Dallada PEN Ku Yimaado Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Tani Markii Uu La Wareegay Xilka Gudomiyanimada Horaantii Bisha 9aad Ee 2017 Ayaa Bilow Fiican U Noqon Doonta Wada Shaqayn Saraysa Inuu Layeesho Dugsigu Maamulka Cusub Ee Dallada Sidii Hore Lowga Bartay.

Waxa Xusid Mudan Inu Dugsiga Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Kamid Yahay Asaasayaashii Dallada Waxbarashada Ahliga Ee Pen, Ilaa Iyo Hadana Kamid Yahay Xubnaha Ugu Firfircoon Dallada.

Ugu Danbayntii Maamulka Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Waxa Uu Rajaynayaa Maamulka Cusub Ee Dallada PEN Guul Iyo Horumar Waara.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts