Waxa Saaka Oo Khamiis Ah Toos U Bilowday Imtixaan Asbuuceedkii Ardayda Fasalka 4aad Ee Dugsiga Sare Ee Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.
Imtixaankan Asbuuclaha Ah Oo Ardayda Laga Qaadi Doono Maalin Kasta Oo Khamiis Ah Ayaa Saaka Labilaabay Iyada Oo Ay Ka Qayb Galeen Furitaanka Imtixaankan :
1- Maamule Kuxigeenka Guud Ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso, Ustaad Cumar Cali Sulaymaan.
2- Maamulaha Dugsiga Sare, Ustaad C/Risaaq Maxamed Maxamuud.
3- Gudomiyaha Dallada Waxbarashada Ahliga Puntland Ee PEN, Mudane Ibrahim Aadan Jaamac.
4- Xoghayaha Dallada Waxbarashada Ahliga Puntland Ee PEN, Mudane Maxamed Cali Maxamed.
Ayaa Ku Bilowday Jawi Diyaar Garow Fiican Ka Muuqday Oo Dhamaan Ardaydu Usoo Diyaar Garoobeen, Waxayna Maamulka Dugsiga Iyo Kan Dalladu Ugu Duceyeen Dhamaan Ardaydii Imtixaanku U Bilowday Inuu Illahay U Fududeeyo Uu Imtixaanka Aamiin.
Waxa Xusid Mudan In Imtixaan Asbuuceedkan Maanta Bilowday Uu Yahay Mid Hore Uga Jiray Dugsiga, Hadafkiisuna Yahay Sidii Loo Qiimayn Lahaa Ardaydu Waxay Hore Usoo Barteen, Waxayna Maanta Galeen Maadada Chemistryga.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsigayada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.