Waxa galabta oo jimce ah si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada boosaaso, maamulaha guud ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso, Ustaad C/Raxmaan Siciid Muuse ‘ Xaaji ‘, kadib safar dheer oo mudo bil ah ugu maaqnaa maamuluhu dalka Malaysia.
Soo dhawaynta maamulaha guud, waxa ka qayb galay galabta , maamulka dugsiga oo uu hor kacayo maamule kuxigeenka guud ee dugsiga Ustaad Cumar Cali Sulaymaan, macalimiinta iyo qayb kamid ah waalidiinta ardaydoodu dhigtaa dugsiga.
Safarkan dheer ee uu maamulaha guud maanta soo afmeeray ayuu kusoo maray sido kale, dalalka Cumaan iyo Isutaga Imaraadka Carabta, mudadii uu safarkiisa ku jirayna waxa aad lowgu soo dhaweeyey dalalkaas uu soo maray iyada oo ay soo dhaweyntiisa hor kacayeen aqooyahanka soomaaliyeed iyo dhamaan ardaydii kala duwanaa ee ka qalinjabiyey dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso mudadi 25ka sano ahayd ee uu furnaa dugsigu.
Ugu danbayntii, maamulka guud ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso, waxa uu aad ugu mahad celinayaa bulsha waynta soomaaliyeed, ee maamulaha soo dhawaynaysay lana shaqaysay mudadii bisha ahayd ee uu safarka kaga maqnaa dalka.
Xafiiska nashaadka iyo warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.