Tababar ay kasoo qeyb galeen dhamaan ardayda fasalka 8daad, ee faraca Al-Ridwaan Ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso, ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee faraca ridwaan.
Tababarkan oo ay soo abaabuleen maamulka faraca al-ridwaan, uuna soo jeedinayey Ustaad Aadam Salad Maxamuud oo kamid ah masuuliyiinta nashaadka Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso, ayaa lowga gol lahaa sidii ardayda lowgu diyaarin lahaa imtixaanka shahaadiga ah ay galayaan sanad dugsiyeedkan 2017/2018.
Furitaankii tababarkan waxa kasoo qeyb galay, maamulaha faraca Al-Ridwaan Ustaad C/Qaadir Maxamuud C/Laahi iyo kuxigeenkiisa Ustaad C/Qaadir Axmed Cawed iyo gudiga nashaadka farac Al-Ridwaan.
Ardaydan oo lagu tababaray :
1. Ka faa’idaysiga wakhtiga.
2. Akhrinta suuban ardaygana faa’idada u leh
3. ka fogaanshaha wal walka iyo baqdinta xiliga imtixaanka
4. iyo qodobo kale oo ardayga lowgu talagalay, faa’idona u leh xiliga imtixaanka.
Ugu danbayntii, tababarkan ayaa kusoo dhamaaday guul, kaaso ardayda wajiyadooda laga dheehanayey farxad iyo inay ka faa’ideen tababarkii loo qabtay.
Xafiiska Nashaadka iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.