Gudoomiyaha Jaamacada Najaax Ee Burco Oo Dugsiga Sare Ee Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Booqasho Ku Yimi.

Wafti balaadhan uu hor kacayo gudomiyaha Jaamacad Najaax ee  Magaalada Burco Dr Faysal Maxamed Cali,

ayaa saaka booqasho ku yimi dugsiga sare ee Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso. Waftigan oo uu hogaaminayey gudomiyuhu waxa kamid ahaa :

1-      Gudomiye Kuxigeenka Guud Ee Mu’asasada Minhaaj, Ciise Siciid Maxamed

2-      Xoghayaha Jaamacad Najaax, Maxamed Mustafe

3-      Masuulka Xafiiska Iclaamka Mu’asasad Alkaram Farac Burco, Shihaabu Diin Maxamuud.

 

Waxana kusoo dhaweyey xarunta dugsiga sare,  maamulaha guud ee dugsiyada al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/Raxmaan Siciid Muuse,  kuxigeenkiisa Ustaad Cumar Cali Saleebaan, maamulaha dugsiga sare Ustaad C/Risaaq Maxamed Maxamuud iyo dhamaan macalimiinta iyo ardayda dugsiga sare dhigata.

Soo dhawaynta kadib gudomiyuhu wuxu ardayda kala qayb galay daabuurka, halkaas oo uu kasoo jeediyey kalmado dhiiri galin iyo dar daaran isugu jira, ayna ka faa’idaysteen ardaydu.

 

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment