Maamulka Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Oo Magacaabay Guddiga Taakulaynta Dadkii Ku Waxyeeloobay Qaraxii Muqdisho.

Kadib dhibaatadii soo gaadhay dadkii soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho galabnimadii Sabtida ahayd 14/10/2017 ayaa maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso wuxu magacaabay guddi  ka kooban lix xubnood oo kala ah :

  • Ustaad C/Raxmaan Siciid Muuse, maamulaha guud ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.
  • Ustaad Cumar Cali Sulaymaan, maamule kuxigeenka guud ee dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.
  • Ustaad Maxamuud Siciid Faarax, masuulka nashaadka iyo warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.
  • Ustaad C/Risaaq Maxamed Maxamuud, maamulaha dugsiga sare ee Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.
  • Ustaad Maxamed Muumin Yuusuf, xoghaynta xafiiska waxbarashada ee Jamciyada Tadaamun.
  • Ustaad Axmed C/Raxmaan Ismaaciil, “Axmed Jadiid” xubin kamid ah ardaydii hore ee iskuulka ka qalinjabiyey.

 

Guddigan oo ardayda kala hadlay sidii wax loogu ururin lahaa dadkii soomaaliyeed ee dhibaatadaas ku waxyeeloobay, waxayna dhammaan ardayda iskuulka dhigata, kuwii ka qalinjabiyey, macalimiinta iyo maamulkaba kula dardaarmeen inay gacan wayn ka geystaan sidii ay dhibta ula qaybsan lahaayeen walaalohood, iyago loo sheegay A/C lagu ururinayo lacagtaas oo ah 475552.

 

 

 

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment