Dhakhaatiir Kasocda Wasaarada Caafimaadka Puntland Oo Soo Booqday Faraca Ridwaan Ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi

Waxa saaka oo Talaado ah, booqasho ku yimi faraca Al-ridwaan Ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.  dhakhaatiir kasocota Wasaarada Cafimaad gaar ahaan Waaxda Xakameynta Cudurka Qaaxada.

Dr Faysal Jibriil, Dr Abdifataax jamac iyo Dr Faarax Siciid, oo ahaa dhakhaatiirtii soo booqatay iskuulka saaka, waxa iskuulka kusoo dhaweyey maamulaha farac Al-ridwaan iyo kuxigeenkiisa, Ustaad C/qaadir Maxamuud C/laahi iyo Ustaad C/qaadir Axmed Cawed.

dhakhaatiirtu waxay ayaa ardayda u wadey wacyi gelin ku aadan cudarka Qaaxada waxa keena, sida looxakameeyn karo iyo sida loo daweeyo.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment