Dr Maxamed Ducaale Cawaale oo ah dhakhtar ku takhasusay daaweynta iyo qaliinka indhaha ayaa saaka soo booqday xarunta dugsiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, waxana ku weheliyey Dhakhtarka boqashadiisa masuuliyiin ay kamid yihiin :
- Ustaad Burhaan Maxamed Cali, Gudomiyaha Dallada Hanuunita Bulshada.
- Ustaad Faysal C/Rixmaan C/Laahi, Gudomiyaha Xafiiska Ardayda Iyo Dhalinyarada Ee Dallada Hanuunita Bulshada.
- Ustaad Ayaanle Cali, Kal Kaaliye Cafimaad.
Dhamaan masuuliyiintan waxa iskuulka kusoo dhaweeyey maamulka iskuulka, macalimiinta iyo ardayda, kadibna waxa ay ka qeyb galeen masuuliyiintu barnaamijka wacyi gelinta asbuuclaha ahaa ee ka baxa iskuulka subax kasta oo khamiis ah.
Soo dhaweynta kadib, Dr Maxamed Ducaale Cawaale oo saaka ku qornaa barnaamijka wacyi gelinta ardayda , waxa uuna ardayda dugsiga sare kala hadlay dabuurka, sidii ay waxbarashada meel fiican uga gaadhi lahayeen, ayna aad ugu dadaalaan sidii dalkeena wax lowga badali lahaa, maadaama dalku inawada sugayo.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.