Waxa saaka oo Sabti ah kuna began taariikhda 11/11/2017, booqasho ku yimi Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, gaar ahaan xarunta dugsiga sare iyo faraca al-ridwaan, Ustaad Axmed Maxamed C/Salaam oo ah masuulka nashaadka Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Qardho.
Ustaad Axmed waxa uu ardayda Faraca Ridwaan kula hadlay daabuurka isago usoo jeediyey kalmado wacdi iyo waanoyin ah, sido kale waxa uu fasalada kusoo booqday ardayda fasalka Afraad ee dugsiga sare isago ku baraarujiyey inay aad u dadaalaan maadama ay sanadkii u danbeyey waxbarashada iskuulka ku jiraan, imtixaan shahaadi ahna galayaan insha’aalaah.
Sido kale ustaadka waxay kulmeen, masuulka nashaadka iyo warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad Maxamuud Siciid Faarax, iyo maamulayaasha dugsiga sare iyo faraca ridwaan, Ustaad C/Risaaq Maxamed Maxamuud iyo Ustaad C/Qaadir Maxamuud C/Laahi, waxayna is dhaafsadeen talooyin fara badan oo ku saabsan horumarinta iskuulka.
Waxa xusid mudan in ustaad axmed oo kasoo shaqeyey Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso isago kasoo noqday macalin iyo masuul nashaad.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.