Fasalka 12aad ( B ) Oo Ku Guulaystay Tartanka Kubadda Cagta Ee Dugsiga Sare.

Waxa saaka lasoo gabagabeyey tartankii kubadda cagta ee ka socday xarunta dugsiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, tartan kan oo uu ku guulaystay fasalka 12aad ( B ) ayaa soo bilowday todobadii bisha 10aad ee sanadkan 2017.

Tartan ka kubadda cagta waxa uu kamid yahay barnamijyada nashaadaadka ah ee  sanad walba loo qabto ardayda Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Ugu danbeyntii maamulka guud ee Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso waxay u mahad celinayaan maamulka xarunta dugsiga sare iyo dhamaan xubnaha gudiga sportska ee xarunta sidii quruxda badnayd ee ay usoo dhamaystiren tartan ka kubada cagta.

 

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

 

Related Posts