Fasalka 5aad ( A ) Oo Ku Guulaystay Koobka Kubada Cagta Ee Faraca Ridwaan.

Tar tanka kubadda cagta ee faraca Ridwaan galabtiiwaxa ku guulaystay fasalka 5aad ( A ) kasoo ka guulaystay fasalka 4aad ( A ) kadib markay isugu soo baxeen ciyaartii kama danbaysta ahayd, waxayna ku kala badiyeen saddex gool iyo hal gool, sida darteed waxa koobka galabtii faraca ridwaan ku guulaystay fasalka 5aad ( A ).

Ugu danbayntii gudiga nashaadka ayaa waxay gudoonsiyeen koobka fasalkii ku guulaystay ciyaarta, waxana halkaas kusoo gabagaboobay tartanka kubada cagta teeramka hore ee sanad dugsiyeedka 2017/2018.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment