Mu’asasada al minhaaj ee dacwada iyo horumarinta ayaa subax nimadii Isniinta ahayd 27/11/2017 u qabatay ardayda xarunta dugsiga sare iyo faraca furqaan ee Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, wacyi galin ku saabsan ‘’ Ku Dhaqan Ka Tilmaamaha Wanaagsan Iyo Ka Fogaan Shaha Tilmamaha Xun Xun “
Waxa soo jeediyey :
- Shiikh Axmed Maxamed Faarax : Masuulka Arimaha Ardayda Ee Jaamacada Bariga Afrika, Wuxuna Muxadarada Kasoo Jeediyey Xarunta Dugsiga Sare.
- Shiikh C/Waaxid Deeq Axmed : Masuulka Xafiiska Dacwada Ee Mu’asasada Al Minhaaj Faraca Gobolka Bari, Isna Wuxuu Kasoo Jediyey Muxadarada Faraca Furqaan.
Waxa sido kale goob jooge ka ahaa barnaamijkan wacyi galinta ah masuulka mu’asasada alminhaaj ee gobolka bari Ustaad Xasan C/lle Shiikh Xasan oo tilmaamay barnaamijkani dacawiga ahi inuu yahay xamladii shanaad ee boosaaso lagu qabto.
Sido kale maamulaha guud ee Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/rixmaan Siciid Muuse waxa uu aad uga sheekeyey faa’idada ay u ledahay ardayda barnaamijta wacyi galinta ah ee ardayda markasta loo sameeyo, isago tilmaamay hadafka Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso loo furay inuu yahay sidii loo heli lahaa arday aqoon yahan ah oo fahan san diinta islaamka gaadhsiinaya bulshadiisa.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.