Waxa saaka oo Axad ah 1/4/2018, booqasho ku yimi xarunta dugsiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso guddiga dhismaha wadada Ceel Daahir – Ceergaabo, guddiga oo ku hawlan wadada isku xidha magaaloyinka Ceel Daahir Iyo Ceergaabo oo ah wado muhiim u ah shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland hadana maraysa meel fiican.
Soo dhawayn kadib, guddigu waxay kullan la qateen maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse, kulankaas oo ahmiyaduusu ahayd in la xoojiyo taageerada goobaha Waxbarashada ay ka geysanayaan dhismaha wadada Ceel Daahir Ilaa Ceergaabo gaar ahaan tageerada ay ka gaysanayaan dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.
Maamule C/raxmaan Siciid Muuse ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada iyo garab istaaga gudiga ku howlan dhismaha Wadadan ayna kubixin doonaan muruq iyo maal wax kasta oo ay awoodaan, sidii hore lowga bartay dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso .
Guddiga ayaa dhankooda uga mahad celiyay maamulka, macallimiin iyo ardayda dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso taageerada ay markasta lagarab taaganyihiin dhismaha wadada Ceel Daahir – Ceergaabo .
Ugu danbayntii, dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso waxay ahayeen dugsiyadii ugu horeyey ee ka qayb qaata mashruuca dhismaha wadada Ceel Daahir – Ceergaabo, markastana waxay u taagan yihiin inay ka qeyb qataan mashruucan horumarineed iyo mashariicda kale ee dalka ka socota.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.