Waxaa saaka oo Khamiis ah daabuurka ardayda dugsiga sare kasoo jeediyey barnaamijkii Wacyigalinta Ardayga ee asbuuclaha ahaa Tababare Jamaalu Diin Cawke, wuxuuna ardayda u soo jeediyey talooyin aad u qiimo badan ayna ku hormara yaan aduun iyo aakhiroba “12 Waano Ee Horumarinta Nolosha Ardayga “
Tababare Jaamaludiin C/kariim Maxamuud Cawke waa tababare iyo lataliye arimaha qoyska iyo dhalinyarada ah, waana maamulaha xarunta ALTA ( Aflax Leadership Training Academy ) oo gobolada Puntland ka qabata tababarada horumarinta dhainyarada iyo qoyska sido kale waxa uu hore uga tirsanaan jiray Tababare Cawke maamulka dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso