Wasaaradda Waxbarashada Puntland Oo Labo Abaal Marinood Gudoonsiisay Dugsiga Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Wasaaradda waxbarashada puntland ayaa saaka gudoonsiisay labo abaalmarinood ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso oo kala ahaa :

1- Abaal marinta kaalinta 1aad ee dugsiga lacagta ugu badan ku bixiyey ka qeyb qaadashada wadada Ceel Daahir – Ceergaabo.

2- Abaal marinta iskuulada ugu tayada fiican dugsiyada puntland.

Labadan abaal marinood iskuulka waxa u gudoomay gudoomiyaha Jamciyada Tadaamun Ustaad C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan, waxayna kamid ahayd abaalmarino kooban oo ay wasaaraddu ugu talagashay saddexdii iskuul ee sida joogta ah lacagta ugu bixin jiray wadada Ceel Daahir – Ceergaabo iyo tobankii dugsi ee ugu tayada badanaa Puntland.

Maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso waxa uga mahadcelinayaa dhammaan maamulka, Macalimiinta iyo ardaydaba inay ka dhabeyeen hiigsigii maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ee ahayd in uu dugsigu markasta ahaado dugsiga ugu tayada wanaagsan puntland. Sidoo kale waxa uu iskuulku ku faraxsanyahay markasta inuu kaqayb qaato barnaamijyada lagu horumarinayo diinta, dadka iyo dalkaba gaar ahaan mashruuca wayn ee wadada Ceel Daahir – Ceergaabo.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment