Bilowga Teeramkii 2aad ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

……………………Waxaa saaka oo Talaada ah 15/01/2019 si toos ah u bilowday teeramkii 2aad ee sanad dugsiyeedka 2018/2019 dhammaan faracyada dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso kadib markay ardaydu soo dhamaysteen fasaxii koobaana ee u dhexeyey labada teeram.

Maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso oo uu ugu horeeye maamulaha guud Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse waxay hambalyo ku aadan bilowga teeramka 2aad u dirayaan macallimiinta, waalidka iyo ardayda dugsiga waxayna dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan kula dardaarmayaan in waxbarashada lagu dadaalo si aynu u gaadhno barwaaqo waarta “ waxbarta aan barwaaqo gaadhne “.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso

Related Posts