Ceel Jaalihii 15aad ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso oo galabta lasoo gabagabeeyey.

…………………………………..Waxaa galabta oo Khamiis 10/01/2019 ah lasoo gaba gabeeyey ceel jaalihii 15aad ee ardayda dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso loo qaban jiray sanad walba. Ceel jaalahan oo ay kasoo qeyb galeen 135 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa socday mudo labo maalmood ah, iyago ku qaatay tababaro ku saabsan horumarinta nafta, kuwo diini ah, tartamo aqooneed iyo mid jidh dhis ah.

Tababarkan oo ay ka qeyb qaadanayeen aqoonyahan kala duwan, waxaa dugsiga ka kaalmeeya dallada irshaad waxaana sanadkiiba la qabtaa hal mar isagoo soo bilowday sanad dugsiyeedkii 2005/2006.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment