……………………………….Waxaa saaka oo Isniin ah 14/01/2019 lasoo dhajiyey natiijadii imtixaanaadka dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ee teeramka kowaad 2018/2019, imtixaankan oo lasoo gaba gabeeyey 06/01/2019 ayaa maanta si toos ah loo shaaciyey, kadib marku xafiiska imtixaanaadka dugsigu soo dhameeyey sixidi, hubintii iyo ku gurista databaseka.
Waxaan ardaydeena iyo waliidiinteena sharafta badan ku war galinaynaa in ay natiijadii imtixaanka ay ku ogaan karaan labo qaab oo kala ah:
Qaabka kowaad ee maal kasta aad joogto ku ogaan karto natiijadaada waa sidan :
1- Waxaad galaysa website ka dugsiga adigo riixaya halkan http://nawawischoolsbos.com/ar/result/.
2- Waxaad ku qoraysa meesha banana lambarkaaga diwaanka dugsiga iyo fasalkaaga.
3- Kadibna waxaa kusoo baxaya natiijada teeramka iyo maado kasta intaad keen satay….hambalyo.
Qaabka labaadna waa :
1- inaad timaado faracaaga kadibna ka eegato gidaarka lowgu tala galay dhajinta imtixaanaadka.
Ugu danbayntii maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso waxay u hambalyeynayaan dhammaan maamulka, macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta natiijadii fiicnayd ee ay ka keensadeen imtixaankii ay galeen, sido kale maamulku wuxuu kula dar daarmayaa ardayda darajadoodu hoosayso inay dadaalaan wakhtiga ka dhiman teeramka labaad si ay darajo fiicaan u keensadaan teeramka labaad.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso