200 Arday Oo Munaasabad Qalinjabin Ah Dugsigu U Sameyey.

………………………..Munaasabadn oo ahayd sagotinta dufcadii 20aad ee ka qalinjabisa dugsiga Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso qeybtiisa sare una gudbaysa waxbarashada heer jamacadeed ayaa tiradoodu ahayd 200 arday oo isugu jira wilal iyo gabdho, waxana lagu qabtay xarunta Jaamacada Badda Cas ee magaalada Boosaaso, iyada oo ay goobjoog ka ahayeen maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, Macallimiinta, Jamciyada Tadaamun, masuuliyiin ka socday jaamacadaha magaalada, Dallada Waxbarashada Ahliga Puntland ee PEN, waalidiinta dhalay ardayda iyo marti sharaf kale oo badan.

Ugu horeyntii waxaa xaflada furay maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ustaad C/raxmaan Siciid Muuse “ Xaaji “ .

Ustaad Maxamed Maxamuud Bille, oo ku hadlayey magaca macalimiinta, Ustaad Yuusuf Macallin Xuseen oo isna ku hadlayey magaca waalidka ayaa ardayda qalinjabinaysa kula dardaarmay inay waxbarashadood si wataan.

Qaar kamid ah ardayda qalinjabinaysa ayaa madasha kasoo jeediyey hadalo kala duwan oo ay ku cabirayaan dareenkood farxadeed kuna amaanayaan iskuulkooda.

C/laahi Sheikh Xasan Gudomiyaha Jaamacada Badda Cas, Maxamed Muumin Yuusuf xafiiska waxbarashada Jamciyada Tadaamun, Ibraahim Aadan Jaamac Gudomiyaha Dallada Pen, ayaa iyana madasha hadalo kala duwan oo ay kaga hadlayaan kaalinta hogaamineed ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ay kaga jiraan waxbarashada puntland.

Dufcadan oo ah tii 20aad ee ka qalinjabisa dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ayaa kusoo beegmaysa iskuulko jirsaday 27sano.

 

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts