……………………..Waxa saaka oo Arbaca ah 03/04/2019 nagu soo booqday xarunta dugsiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso wafti uu hogaaminayey Wasiirka Waxbarashada Puntlnad, Mudane C/laahi Mohamed Xasan, waxaana kamid ahaa waftiga wasiirku hogaaminayey :
1- Wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada puntland, C/laahi Xassan Rooble.
2- Gudomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari, Shamis Muuse Koonte.
3- Kormeeraha wasaarada waxbarashada gobolka Bari, Muuse Jibriil.
4- Gudomiyaha waxbarashada degmada boosaaso, C/Laahi Xasan Abshir
Waxana xarunta dugsiga kusoo dhaweyey maamulaha guud Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse, maamulaha dugsiga sare Ustaad C/risaaq Maxamed Maxamuud, macalimiinta iyo ardayda iskuulka.
Soo dhaweynta kadib waftigu waxay kulan la qateen maamulka iskuulka iyado laga wada hadlay heerka waxbarasho ee iskuulka iyo guulihii uu gaadhay iskuulku mudadi 27sano ahayd ee uu jiray, kulankaas kadibna waftigu waxay soo kormeereen xafiisyada maamulka iskuulka oo ay shaqadu ka socotay iyo ardayda oo xiisadaha ku jira.
Dhamaan masuuliyiintan oo ardayda la Hadley ayaa ku dhiiri galiyey ardayda inay waxbarashada ku dadaalan si ay umadooda wax ugu qabtaan barito, taaso ah mid loga bartay ardayd iskuulka ka qalinjabisay oo dhamaantood bulshada meelo muhiim ah u jooga waxana u qabta.
Ugu danbeyntii Wasiirka Waxbarashada Puntland mudane C/Laahi Maxamed Xasan waxa uu ku amaanay dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso heerka uu tayada waxbarasho ka gaadheen, wuxuna sido kale uga mahad celiyey sidii wanaagsanayd ee ay usoo dhaweyeen waftigiisa.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.