Abaal Marinta Ardaydii Ugu Saraysay Imtixaan Billeedka Teeramka 1aad Ee Sannad Dugsiyeedka 2019/2020.

…………………….

Waxaa saaka oo Khamiis ah la abaal mariyey ardaydii ugu saraysay imtixaan billeedka xarunta dugsiga sare, ardaydan oo ahaa 16 arday ayaa maamulka dugsigu abaalmarin gudoonsiyeen dadaalkii ay soo bixiyeen mudadii uu dugsigu furna iyo natiijadii ay ka keensadeen imtixanaadka.

Sido kale maamule C/raxamaan Siciid Muuse maamulaha guud ee Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso iyo Ustaad C/Laahi Siciid Maxamuud oo xaflada abaalmarinta hadalo koo kooban ka jeediyey waxay ardaydaas ugu hambalyeeyeen iyaga iyo waalidkooba iyo macallimiinti wax soo bartayba guushaas ay gadheen, halka ay ardayda kalena ku booriyeen inay dadaal dheeri ah sameeyeen kana sii hor maraan meesha ay hada joogaan.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso

Related Posts

Leave a comment