……………….
Waxaa saaka oo Isniin ah xarunta dugsiga nagu soo booqday qayb kamid ah guddiga samafalayaasha ahaa ee uu magaacaabay madaxwayne kuxigeenka dawlada puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan sidii ay uga qayb qaadan lahayeen samatabixinta shacabkeena wadooyinku ku xidhmeen.
Guddigan oo kala ahaa :
1- Xildhibaan C/laahi Yuusuf Muuse
2- Samafale Maxamed Yuusuf Tigey
3- Samafale Maxamed C/qaadir Cigaal
4- Kormeere Muuse Jibriil caris.
Waxaa dugsiga kusoo dhaweeyey dugsiga maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse, maamulka kale ee dugsiga, macallimiinta iyo ardaydaba.
Guddigii samafalayaasha ah ee nasoo booqday saaka waxay ardayda kala hadleen dabuurka waxayna bahda dugsiga uga warbixiyeen sidii shacabka walaaleheen ah ee ku godoonsan Gobolka Gardafuu lowgu gurman lahaa oo lowga qayb qaadan lahaa in la furo wadooyinka xidhan.
Ugu danbayntii bahda dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso waxa uu balan qaaday in ay hiil iyo hooba kaga qayb qaadan doonaan sidii walaaleheen lowgu gurman lahaa.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.