Booqashadii Gudoomiyaha Waxbarashada Degmeda Boosaaso ee Dugsiga.

…………………….

Waxaa saaka dugsiga nagu soo booqday gudoomiyaha waxbarashada degmeda Boosaaso Ustaad C/laahi Xasan Abshir Cadami, waxaana xarunta dugsi ku soo dhaweeyey maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse.

Gudoomiye C/laahi Xasan Abshir waxa uu kulan la qaatay maamulaha guud Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse iyago kawada hadlay sidii loo tayayn lahaa waxbarashada ubadkeeni markastana lagu daadaalo in ay waxbarashada magaalada Boosaaso noqon lahayd tan ugu tayada fiicaan dalkeena soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan degmada Boosaaso in ay tahay hormuudka waxbarashada Puntland oo ay sannad walba ardayda ugu saraysa puntland ay u badanyihiin dugsiyada magaalada Boosaaso dugsiga Al-Imaamu Al-Nawaawina uu hormuud ka yahay.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso

Related Posts

Leave a comment