Imtixaanka Qur’anka Teeramka 1aad ee Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Oo Bilowday.

………………..

Waxa maanta oo Khamiis ah kuna beegan 26/12/2019 toos uga bilowday dhammaan faracyada dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso imtixaankii teeramka 1aad ee Qur’anka Kariimka ah.

Dhamaan ardayda imtixaanka galaysa oo kooban fasalada hoose / dhexe ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ayaa laga qiimayn doona :
1- Qaabka ardaygu u xifdisanyahay Qur’anka kariimka ah intuu dhigtay.
2- Tajwiidka.
3- Codka quruxda badan ee ku akhrinayo ardaygu Qur’anka.

Imtixaankan oo socon doonaa mudo asbuuc ah ayaa lasoo gaba gabaynayaa Khamiista soo socota insha’allaah 31/12/2019.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment