Jadwalkii Imtixaanka Teeramka 1aad ee Sannad Dugsiyeedka 2019/2020.

…………………………….

Waxaa saaka oo Khamiis ah 05/12/2019 lasoo dhajiyey jadwalkii Imtixanaadka teeramka 1aad ee sannad dugsiyeedka 2019/2020. Iyadoo laga tix raacayo qorshe hawleedka dugsiga oo ku xusan sannad walba marka lasoo gaadho 05/12 ( 30 maal mood ka hor imtixaanka ) in ardayda loo soo dhajiyo jadwalka si ay u bilaabaan diyaar garowga arimaha imtixaanka una badiyaan wax akhriska ayaa saaka xafiiska imtixanaadku soo dhajiyey jadwalka.

Waxaa xusid mudan in imtixaanku bilaaban doono maalin Sabti ah oo ku beegan 04/01/2020 kuna eeg yahay maalin Arbaco ah oo ku beegan 15/01/2020 insha’alaah.

Maamulka dugsigu waxa uu ardayda kula dar daarmayaa inay dadaal mujiyaan wax akhriskana badiyaan.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso

Related Posts

Leave a comment