………………….
Waxa saaka oo Isniin ah 23/12/2019 nagu soo booqday xarunta dugsiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Prof. Dr. Cali Shiikh Axmed Abuubakar gudoomiyha Hay’ada Cilmi Barista Iyo Horumarinta Geeska Afrika oo ay weheliyaan xubno ka tirsan maamulka guud ee Dallada Wacyi-Galinta Bulshada Irshaad, xafiiska waxbarashada Jamciyada Tadaamun, maamulka jaamacada Badda Cas :
1- Ustaad Burhaan Maxamed Cali
2- Ustaad Maxamed C/qaadir Maxamed
3- Ustaad Yuusuf Suudi Cabdi.
Waxana xarunta dugsiga kusoo dhaweeyey dhamaan xubnaha maamulka guud, maamulka dugsiga sare, macalimiinta iyo ardayda iskuulka.
Soo dhaweyn kadib, Prof Dr. Cali Shiikh Axmed waxa uu kulan la qaatay maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse, kulankaas kadibna Prof Cali iyo waftigiisu waxay soo kormeereen xafiisyada maamulka iskuulka oo ay shaqadu ka socotay.
Sido kale Prof. Dr. Cali Shiikh Axmed Abubakar waxa uu ardayda dugsiga sare kala hadlay daabuur isago waanooyin fara badan iyo waayo aragnimadiisa wax badan uga sheegay.
Prof.Dr. Cali Shiikh Axmed waxa uu kamid yahay asaasayaashii dugsiyo iyo jaamacado badan oo kamid yahay dugsiga Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso. Waxayna maanta bahda dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso u ahayd maalin taariikh ah.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.