Wacyi-Galinta ardayda iyo maamulaha guud ee dugsiyada Al-Furqaan Badhan.

…………………….

Waxaa saaka oo Axad ah ardayda dugsiga sare ee xarunta Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso kala qayb galay
Barnaamijkii wacyi-galinta u diyaar garowga imtixaanka teeramka 1aad ee sannad dugsiyeedka 2019/2020 Ustaad C/Casiis Axmed Saalax ( Ridwaan ) maamulaha guud ee dugsiyada Al-Furqaan Badhan.

Ustaad C/Casiis Axmed Saalax ( Ridwaan ) waxa uu ardayda dugsiga saaka aad ugala hadlay sidii ay ugu dadaali lahayeen inay ka miro dhaliyaan aqoontooda, iyado oo uu ardayda talooyin iyo tusaalayn badan ku biiriyey, waxayna kalmadan wacyi-galinta ah ee saaka kamid ahayd kalmad sannad le ah oo uu maamuluhu sannad walba u jeediyo ardayda dugsiga.

Ustaad c/casiis axmed saalax waxa uu kamid yahay aqoonyahanka soomaaliyeed ee naftooda u huray sidii loo soo saari lahaa bulsho wanaagsan oo dalkeena iyo dunidaba wax ka badali lahaa, sido kale waxaa uu kamid yahay asaasayaashi waxbarashada puntland ilaa hadana hogaanka u haya.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment