Wafdi Culimo Ah Oo Booqasho Ku Yimi Xarunta Dugsiga Sare Ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

……………………..

Waxaa saaka oo Talaada ah xarunta dugsiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso nagu soo booqday wafdi culimo ah. Wafdigan oo kala ahaa :

1- Shiikh C/risaaq Xuseen Ciise Iyo
2- Shiikh C/naasir C/laahi Cali
waxaa dugsiga kusoo dhaweeyey maamulka, macallimiinta iyo ardaydaba.

Soo dhaweynta kadib waftigu waxay kulan la qaateen maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/Raxmaan Siciid Muuse.

Shiikh C/risaaq iyo Shiikh C/naasir waxay hore uga soo shaqeyeen dugsiga.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts