…………..
Waxaa saaka oo Sabti ah nagu soo booqday xarunta dugsiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso :
1. Mudane : C/fataax Maxamed Sugule
2. Mudane : Shaafici Cali Ciise Iyo
3. Mudane : Ismaaciil Siciid Cali.Oo kamid ahaa ardaydii hore ee dugsiga ka qalin jabisay.
Waxaana dugsiga ku soo dhaweeyey maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse. Ardaydan hore ee booqashada ku yimi dugsiga waxay xog waran kala yesheen maamulaha qaab socodka dugsiga ee xiligan iyo marxalada uu marayo dhinaca waxbarashad.
Ugu danbayntii, ardaydan hore ee dugsiga ka qalinjabisay waxay dawr muhiim ah kaga jiraan ka shaqaynta arimaha bulshada ee wadamada Soomaaliya iyo Norway.
———— Dhammaad ———–

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.