………
Maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ayaa maanta ugu deeqay wadada ceel daahir – ceergaabo lacag dhan $ 2,500 lacagtan oo qayb ka ah deeq hore uu dugsigu ugu deeqay mashruuca wadada oo ahayd $ 13,213, taaso wadarta guud ee dugsigu ku deeqay ilaa iyo hada ka dhigaysay $ 15,713.Deeqdan lacageed waxaa maanta guddiga mashruuca wadada Ceel daahir – Ceergaabo ku wareejiyey maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse iyo masuulka xafiiska nashaadaadka Ustaad Maxamuud Siciid Faarax.
Mudane C/raxmaan Maxamuud Jaamac ( Cabdi Xundhur), Mudane Maxamuud Faarax Bille, C/risaaq Siciid Faarax iyo Maxamed Mahad Ciise oo ka tirsan guddiga wadada ayaa maamulaha ka gudoomay deeqdan uu dugsiga ugu talagalay Dhammaystirka laami saarid wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo. iyagoo uga mahadceliyey dugsiga deeqdan kuna aamanay dawrka fiicaan ee dugsigu markasta ka geysto horumarinta bulshadeena.
————Dhammaad————-
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.