………..
Waxa saaka lagu qabtay xarunta dugsiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso kulan wayne loogu ducaynayey Ustaada Laylo C/laahi Axmed oo shalay galab ku geeriyootay dalka Turkiga.
Kulankan oo ay kasoo qayb galeen :
- Gudoomiyaha Jamciyada Tadaamun, Ustaad C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan
- Gudoomiyaha Dallada Wacyi-Galinta Bulshada Irshaad, Ustaad Cali C/jabaar Maxamed
- Maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse
- Maamulka dugsiga sare, macallimiinta iyo ardaydaba.
kulan tacsiyeedkan ayaa lagu soo bandhigay tariikh nololeedkii Ustaada Laylo alle haw naxariiste iyo dadaalkeed arimaha samafalka iyo tageerida danyarta soomaaliyeed, ugu danabyntiina waxaa lagu soo gunaanaday lagu soo gunaanaday in loo duceeyo Ustaada Laylo C/laahi Axmed.
Ustaada laylo waxay waxay kamid ahayd golaha sare ee jamciyada tadaamun iyo hawlwadeenada dugsiga kaalin mug lehna ka qaadan jirtay horumarinta arimaha bulshadeena.
Illaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo dhammaanteen, waxaan si gaara ugu tacsiyadaynaynaa dhammaan ehelka iyo qaraabada …Aamiin Aamiin.

———–Dhammaad———-
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.