……..
Waxaa maanta oo Arbaca ah 01/09/2021 toos u bilaabatay waxbarashada sannad dugsiyeedka cusub 2021/2022 ee faracyada dugsiga Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso iyado dhammaan la diyaariyey agabkii kala duwana ee waxbarashada lowgu tala galay, ardayduna ay casharadoodii toos u qateen.
Hambalyo dhammaan bahda dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso sannad waxbarasheedkan cusub ee 2021/2022.
Illaahay waxaan ka baryeynaa inuu sannad waxbarasheedkan cusub inoo ka dhigo sannad barwaaqo iyo bashash iyo dadaal dheeri ah wata… aamiin aamiin.
——–Dhammaad ——–

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso