…………
Waxaa saaka oo Khamiis ah lasoo gabagabeeyey daraasadii teeramka 1aad ee sanad dugsiyeedka 2021/2022, iyadoo ay ardadu galeen labo maalmood oo fasaxa ah ( 08-09/01/2022 ) si ay ugu diyaar garoobaan Imtixaanka teeramka 1aad oo bilaabanaya maalinta Isniinta ah 10/01/2022.
Maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse, oo soo afmeeray maanta wacyi-galintii u diyaar garowga imtixanaadka oo ay macallimiinta dugsiga qayb kamid ah ay wadeen maalmahan, ayaa uga mahad celiyey ( maamulka, macalimiinta, ardayda iyo waalidkaba ) dadaalkii dheera ay soo bixiyeen mudadii afarta bilood ahayd ee teeramka kowaad ee sanad waxbarasheedka 2021/2022… wuxuuna dhammaan illaahay uga baryey ardayda inuu u fududeeyo imtixaanka.
———– Dhammaad ———–
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.