Maamulka guud ee dugsiga oo ka qeyb galay xaflada abaalmarin lagu gudoonsiinayey ardayda jaamacada Badda Cas.

…………..

Maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse ayaa saaka oo Khamiis ah ka qeyb galay xaflada lagu abaal marinayey ardaydii ku guulaysatay tartanka qur’anka iyo kaalmaha hore ee sannad waxbarasheedka 2020/2021.

Maamule xaaji oo kamid ahaa masuuliyiintii ka hadlay xaflada ayaa ardayda iyo jaamacadaba ugu hambalyeeyey munaasabadan wayn ” aad iyo aad bay sharaf noogu tahay in aan ka soo qaybgalno xaflada lagu maamuusayo ardayda qur’aanka ku guulaysatay, waxa kale oo aan jaamacadda badda casna uga mahadnaqaynaa in ay ardaydaas siiyaan deeq waxbarasho ”

———- Dhammaad ————

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts