Ardayda Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso oo u fariistay Imtixaanka Teeramka 1aad ee Sannad Dugsiyeedka 2021/2022.

………….

Waxaa maanta oo Isniin ah 10/01/2022 ka bilowday dugsiyada Hoose/Dhexe & Sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso imtixaankii Teeramka 1aad ee sannad dugsiyeedka 2021 / 2022, iyadoo ay imtixaankaasi u fariisteen dhammaan Arday dhigata dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Imtixaanka waxaa furay saaka maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse isago ardayda illaahay uga baryey inay natiijo ay ku farxaan ka keensadaa teeramka 1aad una balan qaaday ardayda kaalmaha hore gala abaalmarin ay ku farxi doonaan.Imtixaankan maanta bilowday ayaa socon doona mudo 11 casho ah, waxana lasoo gabagabaynayaa 20/01/2022, waxaana dhammaan ardayda dhigata loo qaybiyay sadex xilli oo ay maalin kasta kalagalayaan imtixaanka waxayna kala yihiin xiliyaadaasi :

1- Galinka hore oo ah laba xilli waana sidan :

B- 7:30 ilaa 9:00amT- 9:30 ilaa 11:20am

2- Galinka danbe oo ah laba xilli waana sidan :

B- 3:30 ilaa 500pm.

Jadwalkan dhammaan waxa uu ka dhaqan galayaa faracayada dugsiga oo dhan.Ugu danbayntii maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso waxa uu u rajaynayaa dhammaan ardayda inuu illaahay ku guuleeyo himilooyinka ay hiigsanayaan sannad dugsiyeedkana uga dhigo mid ay guul gaaraan. Aamiin aamiin.

————Dhammaad———–

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts