…………..
Waxaa galabta oo Khamiis ah lasoo gabagabeeyey imtixanaadkii teeramka 1aad ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso imtixanaadkan oo soo bilowday 20/01/2022 ayaa ILLAAHAY noo suurta galiyey inu maanta si guul ah kusoo dhamaado, waxaana natiijada imtixaanka lasoo dhajin doona maalinta Khamiis ah oo ku beegan 27/01/2022 hadii ILLAAHAY idmo.
Maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso waxa uu dhammaan ardayda dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso u rajaynayaa guul fiican inay ka keensadaan imtixaankan ayna gaadhaan meelahay hiigsanayaan.
Hambalyo dhammaan ardaydeena sharafta badan ee maanta imtixaanku usoo dhamaaday.

——- Dhammaad ——–
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso