Natiijada Imtixaanka Teeramka 1aad Ee Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

………..

Waxaa lasoo dhajiyey natiijadii imtixaanaadka dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ee teeramka 1aad 2021/2022, imtixaankan oo lasoo galay mudadi u dhaxaysay 10/01/2022 – 20/01/2022 ayaa si toos ah loo shaaciyey, kadib marku xafiiska imtixaanaadka dugsigu soo dhameeyey sixidi, hubintii iyo ku gurista databaseka.

Waxaan ardaydeena iyo waliidiinteena sharafta badan ku war galinaynaa in ay natiijadii imtixaanka ay ku ogaan karaan labo qaab oo kala ah:
Qaabka kowaad , waana sidan :
1- inaad timaado faracaaga kadibna ka eegato gidaarka lowgu tala galay dhajinta imtixaanaadka…hambalyo.
Qaabka labaadna meel kasta oo aad aduunka ka joogto waad ogaan kartaa, waana sidatan :
1- Waxaad galaysa website ka dugsiga adigo riixaya halkan http://nawawischoolsbos.com/ar/result/.
2- Waxaad ku qoraysa meesha banana lambarkaaga diwaanka dugsiga iyo fasalkaaga.
3- Kadibna waxaa kusoo baxaya natiijadadi iyo maado kasta intaad keen satay….hambalyo.

Ugu danbayntii maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso waxay u hambalyeynayaan dhammaan maamulka, macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta natiijadii fiicnayd ee ay ka keensadeen imtixaankii ay galeen, sido kale maamulku wuxuu kula dar daarmayaa ardayda darajadoodu hoosayso inay dadaalaan wakhtiga ka dhiman teeramka labaad si ay darajo fiicaan u keensadaan teeramka labaad.

——– Dhammaad ——–

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment