Abaalmarinta ardaydii kaalmaha hore ka galay imtixaanka teeramka kowaad ee faraca Ridwaan.

……….

Waxa maanta oo Axad ah 12/02/2022 la abaalmariyey labadii galinba ( Galin hore & Galin danbe ) 41 arday ee galay sadexda kaalmood ee ugu horeeya fasalada dugiga hoose/dhexe & Sare ee faraca Ridwaan kuwaaso ugu sareeyey imtixaankii teeramka koowaad ee sannad dugsiyeedka 2021/2022.Xafladan abaalmarinta ardayda oo ay kasoo qayb galeen :

• Maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

• Maamulka faraca Ridwaan.Macallimiinta dugsiga sare iyo ardaydaba ayaa lagu abaalmariyey ardaydii kaalmaha u galay faraca Ridwaan oo ahaa 41 arday ( 24 wiil +17 gabdhood ).

Ugu danbayntii waxaan u hambalyeynaynaa guud ahaan ardaydeena gaar ahaan ardaydii saaka lagu abaalmariyey natiijadii wanaagsanayd ee ay ka keensadeen dadaalkii ay sameyeen teeramkii kowaad…hambalyo hambalyo.

—————–Dhammaad——————–

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment