Waxaa saaka oo arbaca ah 30/8/2017 lasoo gabagabeyey shirwaynihii furitaanka dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Bosaaso, shirkan oo soconayey mudo asbuuc ah waxaa kasoo qayb galay dhamaan xubnaha maamulka iyo macalimiinta ka hawl dugsiga.
Shirkan oo uu gudominayey maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaam Al-nawaawi Bosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse ayaa lagaga dooday qodobo muhiim u ah horumarinta waxbarashada ee dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso, waxana sidokale shirkan lagu ansixiyey qorshe hawleed la tix raaci lahaa sanad dugsiyeedkan 2017/2018.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Bosaaso.