Maalinta Calankeena Suuban Oo Laga Xusay Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaao.

Waxa Saaka Oo Ku Beegan 12 Octobar Si Balaadhan Lowga Xusay Dhamaan Faracyada Dugsiga Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso Sanad Guuradii 63aad Maalintii Ugu Horaysay Ee Calankeena Suuban La Taagay Taaso Ku Beegnayd 12/10/1954.

Xafladan Ayaa Lagu Soo Bandhigay Taariikhdii Calankeenu Soo Maray Iyo Xaalada Uu Hada Ku Jiro, Sido Kale Waxa Lagu Soo Bandhigay Suugaantii Kala Duwanayd Ee Calankeena Loo Tiriyey.
Waxana Xaflada Hadalo Kala Duwan Kasoo Jeediyey, Maamulka, Macalimiinta Iyo Ardayda Dugsiga. Ugu Danbayntiina Waxa La Saaray Calankeena Saacadu Markay Ahayd 7:35 Subaxnimo.

Xafiiska Nashaad Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment