Taariikh Nololeedkii Macalin Sakariye Maxud Ciise Nuux.

Macallin Sakariye Maxu’d Ciise Nuux waxa uu ku dhashay magaalada Qardho sannadkii 1976.waxa uu waxbarashadiisa h/dh/ iyo sare ku qaatay magaalada Qardho oo uu ka baxay dugsiga masaarida ee Al-Azhar Al-Shariif.
1994 waxa uu macallin ka noqday dugsiga Al-Azhar Al-Shariif.
1995 ilaa 1996 waxa uu maamule ka noqday dugsiga Al-Azhar Al-Shariif qaybta hoose/dhexe.
1997 waxa uu macalin maadada carabiga dhiga ka noqday dugsiga Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.
1998 ilaa 2002 waxa uu ahaa maamule kuxigeen ka noqday dugsiga sare ee Al-Mutada Qardho.
2003 ilaa 2005 waxa uu ahaa maamulaha guud ee dugsiga Al-Nawaawi Boosaaso.
2006 ilaa 2012 waxa uu galay arimo ganacsi oo uu ka waday Itoobiya iyo Kenya.
2013 ilaa 2016 waxa uu ka mid noqday masuuliyiinta xafiiska xiriirka carabta iyo dowladda federaalka oo ay safaro shaqo u aadeen dalal farabadan oo ay ka mid ahaayeen Masar, Marooko, Tuuniisiya, Sucuudiga, Yaman, Imaaraadka, Lubnaan, Jabaan Iyo Turkiga.
2017 waxa uu ahaa lataliyaha wasaaradda caddaaladda ee federaalka.

Waxyaalaha Lagu Xasuusto Sakariye Maxud Ciise Nuux
1. Inuu ahaa macallin ka mida macallimiinta luqadda carabiga ugu horeeya, casharka uu dhigaayo marka hore isagu waa inuu xifdisan yahay, markaas ayuu ardayada ka dhegaysan jiray.
2. Inuu ahaa nin shaqada si daacada u qabta taas oo dhammaan dugsiyada uu kasoo shaqeeyey uu soo saaray arday tarbiyad iyo aqoon ku hubaysan, kana shaqeeya dhammaan soomaaliya iyo dunida.
3. Wuxuu ahaa dadkii aasaasay Nawaawi Qardho.
4. Waxa uu bilaabay dhismaha dugsiga Al-Nawaawi Boosaaso qaybtiisa Al-Furqaan.
5. Waxa uu gacan wayn ka geystay hagaajinta maamulka Nawaawi Boosaaso oo uu u sameeyey database xogta dugsiga lagu kaydiyo xilligaas oo aan database aad looga isticmaalin deegaanadan.
6. Aasaasihii jaamacaddii la oran jiray East Somalia University markii danbana laga dhigay faraca Bariga Africa ee Qardho.
7. Waxa uu aad uga shaqayn jiray dhiirigalita waxbarasha isaga oo waraysiga ka bilaabi jiray wax mabarataa? maxaad barataa? Waxbarshada xagee kuu maraysaa? Qofkii aan waxbarana ku yiraahda maxaad wax ubaranwayday?
8. Waxa uu ahaa nin mushaharkiisa ku caawiya dad inay waxbartaan.
9. Waxa uu ahaa nin go’aan adag caddaalad badan, dadkuna isugu mid yahay.
10. Waxaa uu qoray buug uu u bixiyey: من تربية الأولاد إلى تجارة الأبقار oo uu yiri waxaan ka tegay barbaarinta caruurta oo aan jeclaa aadna ugu raaxaysan jiray, waxaan aaday ganacsi lo’ oo aan isfahmi waynay waana ka baxay buu yiri.
Waxa uu hadda deganaa wadanka Turkiga, oo ay u deganayd xaas u haysa 2 gabdhood, waxa kale oo jira wiil ay dhashay xaas hore joogana Beladwayne.
Waxa macallinka la dhashay 5 wiil iyo 6 gabdhood, hooyadiis Maryan Ismaaciil Caraale waa nooshahay, aabihii waa dhintay alaha u naxariisto.

Waxaan Ilaahay uga baryeynaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, hoygiisana ka dhigo jannadii Fardowsa, xaaskii, caruurtii, qaraabadii, waalidkii, iyo dhammaan asxaabtiisiina inuu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin aamiin aamiin.

 

 

waxa diyaariyey : Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Boosaaso.

Ustaad C/rixmaan Siciid Muuse Xaaji.

Related Posts