Masuuliyiin Ka Tirsan Jaamacada Badda Cas Oo Booqasho Ku Yimi Dugsiga Sare Ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Waxa saaka oo Arbaca, taariikhduna tahay 8/11/2017  booqasho ku yimi dugsiga sare Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso masuuliyiin ka tirsan jaamacadda Badda Cas ee magaalada Boosaaso, masuuliyiintaas  oo kala ahaa :

  1. Maxamed C/Qaadir Maxamed, Gudomiye Kuxigeenka Jaamacadda Badda Cas.
  2. Cali Xaaji Siciid Ciise, Masuulka Xiriirka Dibada Jamacadda Badda Cas.
  3. Maxamed C/Rixmaan Maxamed, Masuulka Ka Tirsan Xafiiska Warbaahinta Jamacadda Badda Cas

Masuuliyiintan saaka booqashada ku yimi iskuulka waxa kusoo dhaweyey maamulaha guud ee Dugsiyada Al-Imaamu  Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/Rixmaan Siciid Muuse iyo dhamaan xubnaha kale ee maamulka iskuulka, macalimiinta iyo ardaydaba.

 

Soo dhaweynta kadib masuuliyiinta  jamacadda Badda Cas iyo maamulaha guud ee Dugsiyada Al-Imaamu  Al-Nawaawi Boosaaso, waxay ardayda dugsiga sare kala hadleen dabuurka, iyago kala hadlay asaaskii labada mu’asaso, xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya jaamacadda Badda Cas iyo dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

 

Ugu danbayntii labada maamul waxay ku dhiiri galiyeen ardayda in waxbarashada lagu dadaalo iyo sidii loosii wadan lahaa, loona dhamaystiran lahaa ilaa heer jamacadeed.

Xafiiska Nashaadka Iyo  Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu  Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts