Fasalka 8aad ( a ) ee faraca Furqaan ayaa saaka ku guulaystay tartan aqooneedkii ka socday faraca furqaan ee dugsiyada al-imaamu al-nawaawi boosaaso, tartan kan oo soo socday ilaa todobadii bishii 10aad ee 2017 ayaa saaka si guul ah kusoo gabagaboobay.
Tartan aqooneedku waxa uu kamid yahay nashaadaadka uu u qabto dugsiyada al-imaamu al-nawaawi boosaaso sanad kasta.
Ugu danbeyntii maamulka guud ee dugsiyada al-imaamu al-nawaawi boosaaso waxay u mahad celinayaan maamulka faraca furqaan iyo masuuliyiinta gudiga nashaadka faraca furqaan sidii wanaagsanayd ee ay usoo gabagabeyeen tartan aqooneedka.
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.